Caafimaadkeyga, Luuqadeyda: Daryeelka caafimaadka Ireland

Macluumaad ku saabsan nidaamka daryeelka caafimaadka dadweynaha iyo mawduucyada caafimaadka ee caanka ah luuqadaada ku hel.

Wax ku saabsan siistemka caafimaadka Irishka

Hagaha qaxootiga iyo muhaajirinta kal

Muuqaalo daryeelka caafimaadka ee Ireland ku saabsan

Daawo muuqaalo ku saabsan nidaamka daryeelka caafimaadka Ireland iyo mawduucyada caafimaadka ah ee caanka h:

Helitaanka daryeelka caafimaadka ee Ireland

Getting Medical Care in Ireland

Baro waxaad sameyn lahayd haddii aad xanuun dareento, oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:

  • Markay tahay inaad aragto GP (dhakhtar qoys)
  • helista daryeelka caafimaad xilliyada fiidkii iyo todobaad dhammaadka
  • waxa ay tahay in la sameeyo xaaladaha degdega ah

 

Kaarka caafimaadka

Medical Card

Haddii aad haysato kaar caafimaad, lacag kuma bixin doontid inaad dhakhtar aragto ama lacag kama bixin doontid dawooyinka dhakhtarku ku soo qoro. 

Wax ka baro kaarka caafimaadka ee Ireland, oo ay ku jiran kuwan soo socda:

  • daryeelka caafimaadka ee kaarka caafimaadka daboolayo
  • codsashada kaarka caafimaadka

 

Waxa uu dhakhtarku (GP) qabto

What a G.P. does

Wax ka baro GP-yada (dhakhtarada qoyska) ee Ireland, oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:

  • daryeel caafimaad oo ay baxshaan dhakhtarada qoysasku
  • xilliyada la furo goobaha dhakhtara qoyska

 

Daryeelka ilkahaaga, indhahaaga, iyo maqalkaaga

Care for your teeth, eyes and hearing

Wax ka baro sidaad u daryeeli lahayd ilkahaaga, indhahaaga, iyo maqalkaaga ee Ireland.

 

Ka hortagga uurka

Contraception

Wax ka baro noocyada ka hortagga uurka ee laga helo Ireland. Ka hortagga uurka waxaad ka heli kartaa dhakhtar qoyska ama xarunta caafimaadka ee qorsheynta qoyska. Waxaad sidoo kale farmeesiga bilaa warqad dhakhtar kaga heli kartaa ka hortagga uurka ee xaaladaha degdega ah.

 

Adeegyada uurka

Ireland daryeelka uurka bilaash ayaad ku heli kartaa. Wax ka bar daryeelka aad heli karto intaad uurka leedahay iyo ka dib marka aad dhasho.

COVID-19 iyo Uurka

COVID-19 and pregnancy

Wax ka baro COVID-19 iyo xilliga uurka, oo ay ku jiraan kuwa soo socda:

  • khataraha aad adiga iyo ilmahaagu wajahaysaan haddii aad COVID-19 qaaddo adiga oo uur leh
  • qaadashada tallaalka COVID-19 adiga oo uur leh
  • badbaadada tallaaalka COVID-19

 

Xilliga uurka ee hore

Early pregnancy

Wax ka baro daryeelka aad heli karto muddada uurkaaga ee hore, oo ay ka mid yihiin:

  • halkii aad ka heli lahayd daryeelka uurka
  • ikhtiyaarada uurka aan la qorsheysan 
  • daryeelka caafimaadkaaga intaad ku jirto muddadaada uurka ee hore 

 

Muddada uurka ee dambe iyo u diyaar-garawga umusha

Late pregnancy and preparing for birth

Wax ka baro daryeelka aad heli karto muddadaada uurka ee dambe, oo ay ka mid yihiin:

  • ilaalinta caafimaadkaaga ee muddadaada uurka ee dambe
  • baaritaano uur oo joogto ah
  • markay tahay inaad kaalmo degdeg ah hesho
  • astaamaha muujinaya inay fooli ku hayso

 

Daryeelista ilmahaaga yar

Looking after your newborn baby

Wax ka baro daryeelista ilmahaaga dhowaan dhashay, oo ay ka mid yihiin:

  • macluumaad ku saabsan u qubayntiisa iyo quudintiisa
  • sababaha ilmuhu u ooyaan iyo sida aad u aamusiin karto
  • hababka hurdada ilmaha iyo tabaha hurdada badbaadada leh
  • baaritaanada caafimaadka ee joogtada ah

 

Naas-nuujinta

Breastfeeding

Wax ka baro faa'iidooyinka naas-nuujintu adiga iyo ilmahaagaba u leedahay, iyo sida aad u bilaabi lahayd naas-nuujinta.

 

Daryeelka hooyada dhasha ka dib

Mother’s health after giving birth

Wax ka baro isbeddelada jireed iyo maskaxeed ee dhaca ka dib marka la dhalo iyo daryeelka aad heli karto.

 

Muuqaal uu Xafiiska Qaranka ee Wadajirka Bulshada ee ka Tirsan Waaxda Fulinta Caafimaadka (HSE) si wada jir ah ula sameeyay Translate Ireland, Kuleejka Dhaqaatiirta Guud ee Ireland (ICGP), mychild.ie iyo shaqaalaha kale ee daryeelka caafimaadka.